dhaymoolenews.com
Baarlamaanka Soomaaliya oo Wada Mooshin Lagu Sadqaynayo Ra’iisul-wasaare Khayre
September 9, 2017 - Written by wariye999

Muqdisho (Dhaymoole)-  Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,  ayaa wada olole ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo wajahaysa caqabado ka dhashay dhacdadii  C/kariin Qalbi Dhagax  oo ahaa Sarkaal ka tirsan   ONLF oo  lagu wareejiyay dawladda Itoobiya.

Siday faafiyeen warbaahinta Muqdisho, waxaa Labadii maalmood ee la soo dhaafay Xildhibaannadu  ay wadeen  kulamo ka dhan ah dawladda  Xasan Cali Khayre, iyadoo lagu wado in  Sabtida maanta  oo  uu furmayo  kulanka Baarlamaanka Soomaaliya, laga dareemi doono dhaqdhaqaaqa lagaga soo horjeedo dawladan itaalka daran.

 

Waxa warku intaas ku daray in fadhiga baarlamaanka  lagu soo qaadi doono  talaabadii lagu dhiibay Mr. Qalbi Dhagax oo Itoobiya ku eedeysay inuu faldambiyeedyo iskugu jiray dil, dhac iyo kufsi ka geystay degaanka Soomaalida Itoobiya.

.Warbaahinta Soomaaliya ayaa aad u faalaysay  sida Baarlamaanku ugu kala qaybsan yahay qaddiyadan, waxayse  weriyeen inay u badan tahay in mooshin laga keeno xukuumadda Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre oo Arbacadii la soo dhaafay shir aan caadi ahayn oo golaha wasiirradu yeesheen ku caddeysay in Cabdikariin Qalbi-dhagax uu Soomaaliya ka waday falal lid ku ah ammaanka isla markaana uu ku xidhnaa Al-shabaab.

COMMENTS
Latest News