dhaymoolenews.com
 Somaliland waxa loo soo jeediyey inay la hadasho Soomaaliya, ilaa imikana faa’iido lagama gaadhin wadahadalkaas
September 9, 2017 - Written by wariye999

Wakaaladda African News oo  ku  Faahfaahisay  Dawladnimada  iyo Nabadgelyada ka Jirta Jamhuuriyadda Somaliland

Hargeysa(Dhaymoole)- Shabakadda African News ee faaqida dhacdooyinka  dalalka Afrika, ayaa  baahisay in  Jamhuuriyadda Somaliland  ay ku naaloonayso nidaam iyo kala dambayn isla markaana ay ka qabsoomeen  doorashooyin macquul ahi.

Waxa kaloo warbixintan lagu xusay inay Somaliland muhiim u tahay dagaalka lagula jiro budhcad-badeedda iyo argagixisada.

Tifaftiraha Guud ee Wargeyska  Dhaymoole, Cumar Maxamed Faarax, ayaa soo akhriyay warbxintaas, waxaannu ka diyaariyey warkan:-

“Somaliland waxa laga furay madxafkii u horreeyay oo  loogu talogalay in lagu kaydiyo taariihda Somaliland oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991kii. Madxafka Saryan oo laga dhisay caasimadda Hargeysa, waxaa aasaasay Siciid Shukri Xuseen oo ka mid ahaa dagaalyahannadii u soo diriray  xornimada Somaliland.

Waxa ka mid ah dhigaalka madxafkan lagu soo bandhigo taariikhdii ururkii SNM ee u soo kifaaxay madax-bannaanida Somaliland.

Ururkii SNM waxay  la dirireen dawladii millatariga ahayd ee Jamhuuriyadii Soomaaliya ee uu xukumi jiray Siyaad Barre, oo dalkaas talin  jiray muddadii u dhaxaysay 1969-1991 oo uu inqilaab ku qabsaday.

 

Afar jabhadood oo SNM ku jirtay, ayaa ku lug lahaa kacdoonkii lagu riday dawladii Siyaad Barre. Ururkii SNM wuxuu  kaga dhawaaqay gobolladii waqooyi galbeed ee Soaamliya,  madaxbaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Inkastoo aan dawlad madax-bannaan loo ictiraafin Somaliland, haddana waxay samaysteen nidaam dawladeed oo sharci ah, ciidammadii amaanka iyo lacag u gaar ah. Waxa kaloo ay qabteen doorashooyin doorashooyin hufan.

 

Somaliland waxay ku naaloonaysaa nabadgelyo iyo horusocod dhaqaale, waxaanay muhiim u noqotay dagaalka  ka dhanka ah budhcad badeedda iyo argagixisada.

Somaliland waxa  loo soo jeediyey inay wadahadal la yeelato Soomaaliya, wadahadalkan oo ilaa imika faa’iido  aan laga gaadhin.

Muddo 25 sannadood ah  Somaliland umay suurtagelin inay galaan-gal u yeelato oo ay   daymo ka hesho baanka adduunka iyo IMF (International Monetary Fund.”

COMMENTS
Latest News