dhaymoolenews.com
Xubno Garabka Dhallinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga Waddani Ka Mid Ah Oo Tababar Loo Soo Xidhay
September 7, 2017 - Written by wariye999

Hargeysa, September 7, 2017 () – Hogaanka abaabulka iyo wacyigalinta garabka dhallinyarada heer Qaran ee Xisbiga Waddani garyaqaan Idiris Cabdi Maxamed ayaa tababar usoo xidhay  xubno Ka mid ah Garabka Dhallinyarada xisiga Waddani, isagoo ay ku wehelinayaan Afhayeenka garabka dhallinyarada heer qaran Cabdirisaaq Daahir Jaamac iyo Cabdishakuur Daa’uud Maxamed oo ah xubinka mid ah Gudida ololaha (Campaign-ka) xisbiga Waddani.

Tababarka oo socday muddo saddex cisho ah ayay masuuliyinta Xisbiga Waddani ee Madasha ku sugnaa iyo Masuuliyiinta Hay’adda IRI si wada jira ugu Hambalyeeyeen dhallinyaradii tababarka ka faa’iidaystay.

Tababarkan oo ay Garabka Dhallinyarada xisbiga Waddani ka caawisay Hay’adda International Republican Institute (IRI), ayaa ku saabsanaa doorka dhallinyaradu Ka ciyaari karto ololaha iyo doorashada fooda inagu soo haysa iyo Cilmi baadhis iyo daraasaynta dhibaatooyinka, Caqabadaha iyo fursadaha banaan Ee dhallinyarada Jamuuriyada Somaliland haystaan.

Sidoo kale waxay dhallinyaradaasi mudadii koobnayd ee tababarku u socday ay halkaas ku soo bandhigeen doorka ay ku leeyihiin Xisbigooda dhexdiisa iyo Garabka Dhallinyarada xisbiga Waddani in uu ahaa Garabkii Dhallinyaro ee ugu horeeyay ee xisbiyada Qaranku yeeshaan.

Garyaqaan Idiris Cabdi Maxamed oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxan ku faanaynaa in xisbiga waddani yahay kii keenayba In xisbigadu yeeshan Garabo dhallinyaro Xisbiyada kalena nagaga daydaan.

Hay’ada IRI Waxan uga mahad celinaynaa Fursadan aadka u qaaliga ah ee ay nasiiyeen Xisbi Ahaan,

Waxan balan qaadaynaa ka dhallinyaro ahaa in aan xisbiga aan ka socono uga faa’iidayn doono Cilmiga aan ka faa’iidnay halkan” ayuu yidhi Garyaqaan Idiris Cabdi Maxamed, waxaanu intaa ku daray inay la shaqaynayaan Garabka dhalinyarada xisbiga Wadani.

Tababarkan xisbiga Waddani uu u qabtay ayaa noqonaya kii labaad iyadoo dhawaan tababar noocan oo kale ah loo qabtay gudoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka ee xisbiga Waddani.

COMMENTS
Latest News