dhaymoolenews.com
“Xisbiga Kulmiye La Yidhaahdo Maradii Akhtarka Iyo Huruuda Ahayd Ayuunbaa Ku Hadhsan Iyo Muuse Biixi Iyo Samaale, Laakiinse Dhamaan Ruugcadaagii Ololaha Yaqaanay Waxay Ku Wada Dhan Yihiin Xisbiga Waddani” Siyaasi Xamarje
September 7, 2017 - Written by wariye999

Siyaasi Xamarje Oo Warar Laga Baahiyey Ku Tilmaamay Borobogaandhe Uu Faafiyey Xisbul Xaakimka Kulmiye Oo Fadhiid Noqday Markuu Miciin Kale Waayey

“Xisbiga Kulmiye La Yidhaahdo Maradii Akhtarka Iyo Huruuda Ahayd Ayuunbaa Ku Hadhsan Iyo Muuse Biixi Iyo Samaale, Laakiinse Dhamaan Ruugcadaagii Ololaha Yaqaanay Waxay Ku Wada Dhan Yihiin Xisbiga Waddani” Siyaasi Xamarje

Hargeysa, (dhaymoole) – Siyaasi Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga Waddani ayaa been iyo borobogaandhe ku tilmaamay warar sheegay inuu xisbigaasi ka baxayo, waxaanu ku eedeeyey xisbiga Kulmiye inuu faafiyey wararkaasi.

Siyaasi Xamarje oo maanta waraysi siiyey telefishanka Somali Star Tv, ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka naafeeyey qaranka oo uu sheegay in hay’adihii u xilsaarnaa inay wax ka qabtaan ay ku mashquuleen olole aan wakhtigiisa la gaadhin iyo hawlo kale, waxaanu yidhi “Wax Alaale iyo wax ka jira ma jiraan wax sal iyo raad leh maaha, xisbigana iskuma dhacsanin iskumana dhici doono, waxaaba noo soo dhawaatay oo ay habeeni dheeryihiin dhawr iyo lixdan habeen oo ka hadhsan ololihii doorashada loo galayey.

Erayadaasina waa borobogaandhe uu faafinayo markuu miciin kale waayey, xisbul xaakimka Kulmiye oo fadhiid ah imika.

Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa Komishanka Doorashooyinka oo soo gabogabeeyey wajigii labaad ee kaadh qaadahada, waxaan runtii uga mahad celinayaa tacabka badan iyo hawsha badan ee ay galeen iyagoo wajigii saddexaad u hadhsan yahay.

Waxaan leeyahay Komishanka doorashooyinku talaabo ha ka qaado xisbigaa Kulmiye, aadna wuu uga qayliyey komishanku, ololole ayuu wadaa uu ku gaalaabixinayo gobolada Galbeedka, hadii uu ka joogi waayana waxaanu balan qaadaynaa in kiisaa mid ka balaadhan aanu bilaabi doono.

Walaahi waxaan isleeyahay ragii ololaha caanka ku ahaa ee ruugcadaagu waxay dhamaan wada joogaan xisbiga Waddani, xisbiga Kulmiye la yidhaahdo Maradii Akhtarka ahayd iyo maradii Huruuda ahayd ayuunbaa ku hadhsan iyo Muuse Biixi iyo Samaale, laakiinse dhamaan ruugcadaagii ololaha iyo kaambaynka yaqaanay waxay ku wada dhan yihiin xisbiga Waddani.” Ayuu yidhi Mr Xamarje, waxaanu intaasi ku daray “Waxaan aad iyo aad uga xumahay sicir bararka aafeeyey ummaddii iyo halka uu marayo, iyo hay’adihii ku shaqada lahaa oo ku hawlan guri uu xisbiga Waddani ku jiro ka saaraan, iyadoo aynu ognahay in qaar ka mid ah shaqaalihii dawladu ay ilaa xiligaa bilaa mushahar yihiin, ayaa hay’adihii ku shaqada lahaa ay ku mashquulsan yihiin, hebel ay Waddani ka reebaan iyo ciyaal ay kolba guri ugu tagaan, taasina waa nasiibdaro waxaanu leenahay wax ka qabta sicir bararka hadheeyey qaranka iyo dayaca ku dhacay iyo boobka hantida.

Runtii waxaan isleeyahay ilaa xisbiga Waddani uu yimaado xukunka oo xisbigaasi Kulmiye iyo xukuumadaasi aanu bedelno in aanay waxaasi waxba ka qabsoomayn, shacbiguna intaa ha noo sabraan inta aanu meesha imanayno.” Ayuu yidhi Mujaahid Axmed Xaaji Cabdilaahi (Xamarje).

COMMENTS
Latest News