dhaymoolenews.com
“Wixii Ka Dhacay Kenya Waynu La Soconaa, Waxaynu U Baahanahay Doorasho Xor Ah Oo Xalaal Ah Oo Aan La Farafaraynin, Markaasay Guusha Somaliland Ay Dhamaystirmaysaa” Musharax Cabdiraxmaan Ciro
September 7, 2017 - Written by wariye999

“Waxaanu Ugu Baaqaynaa Beesha Caalamka Inay Si Dhaw Ula Socoto Doorashada Madaxtooyada Somaliland Oo La Keeno Goobjoogayaal Caalamiya” Murashax C/raxmaan Ciro

 “Wixii Ka Dhacay Kenya Waynu La Soconaa, Waxaynu U Baahanahay Doorasho Xor Ah Oo Xalaal Ah Oo Aan La Farafaraynin, Markaasay Guusha Somaliland Ay Dhamaystirmaysaa” Musharax Cabdiraxmaan Ciro

Hargeysa, September 7, 2017 (dhaymoole) – Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Mudane Cabdriaxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo maanta ku soo guryo noqday dalka Somaliland  kadib markii uu mudo ku maqnaa Xajka ayaa sheegay in guusha Somaliland ay ka samaysay dhinacyada Diiwaangalinta iyo qaadashada Kaadhka codbixinta ay dhamaystirmayso guushaasi hadii ay Somaliland hesho doorasho Wanaagsan oo xor iyo Xalaal ah.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), Musharaxa xisbiga Waddani, waxa uu sidoo ugu baaqay beesha Caalamka inay si dhaw ula socoto doorashada Madaxtooyada Somaliland, isla markaana ay keenaan goobjoogayaal Caalamiya.

Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Ciro oo arimahaasi iyo kuwo kale ka hadlay markii uu maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi “Dhamaan shacbiga Somaliland waan salaamayaa, waxaan Illaahay ugu mahadnaqayaa kadib markii aan soo gudanay waajibaadkii Xajka inaan nabadqab dalkii hooyo ugu soo noqday, Illaahay ayaa mahad leh oo diiwaangalintii ay si banadgalyo ah ay inoogu dhamaatay, kaadhqaadashadii oo ay inoogu dambaysay Sool iyo Sanaag ay nabad inoogu dhamaatay, Illaahay ayaa mahaddaa leh. Waxa kale oo aynu u mahadnaqaynaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay hawshaas  dhamaantood.

Waxa la yidhi nin inamo badan lahaa ayaa dhintay, dabeetana aas wanaagsan ayaa u dhacay, dabeetana nin ka mid ah innamadii ayaa yidhi Odaygii Aaswanaagsan ayaa u dhacay, dabeetana waxa uu yidhi waa hadii uu Axanku raaco, waxaan leeyahay guushaa Somaliland usoo hoyatay haday diiwaangalin tahay iyo kaadh qaadasho tahayba, waxay dhamaystirmaysaa hadii aynu helno doorasho wanaagsan.

Wixii ka dhacay Kenya waynu la soconaa, waxaynu u baahanahay doorasho xor ah oo xalaal ah oo aan la farafaraynin markaasay guusha Somaliland ay dhamaystirmaysaa, waxaanu ugu mahadnaqaynaa beesha Caalamka gacantii ay ka geysatay doorashooyinkii hore ee Somaliland, gacantii ay ka geysatay diiwaangalinta, gacantii koobnayd ee ay ka geysatay kaadh qaadashada.

Waxaanu ugu baaqaynaa beesha Caalamka inay si dhaw ula socoto doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa in la keeno goobjoogayaal caalamiya hadii Illaahay ka dhigo.

Intaa waxa ii raaca waxaan jecelahay inaan hambalyeeyo dadkii nabada xidhay Ceel-Afweyn mashaqadii ka dhacday degmadaas, haday noqon lahayd dadkii dhibtu dhex martay oo hawsha fududeeyey iyo odayaashii u gurmaday haday Salaadiin yihiin iyo haday Guurti yihiin iyo haday Dhaqan yihiin, intii ka qayb qaadatay in la soo afjaro colaadaasi oo nabada la soo celiyana aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa.

Waxaan Illaahay ka baryayaa in arimaheena waanu usoo ducaynee in Somaliland arimaheedu si wanaagsan inoogu socdaan hadii Illaahay ka dhigo.

Waxa la ii sheegay saaka nin xisbiga ka tirsanaa Golihii deegaankana isku sharaxay Berbera oo runtii dun weyn ku lahaa xisbiga iyo dalkaba Mubaarig Ibraahim Xaashi inuu geeriyooday oo Berbera lagu aasayo saaka, Illaahay ha u naxariisto, Illaahayna Naxariistii Jano ha siiyo, dhamaanteena samir iyo iimaan ha inaga siiyo.” Ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Xaaji Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Dhinaca kale Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr/Xaaji Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka dib soo laabashadiisii safarkii uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa iyo gudashada waajibaadka Xajka, waxa uu guryahooda iyo weli ba Cisbitaalo ku yaala gudaha Hargeysa ba uu ku soo booqday dad u jiifa xaalad caafimaad oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Murashax Cirro oo booqashadiisan ay ku wehelinaayeen Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI iyo weli ba sida oo kale saraakiil ka tirsan Xisbigaasi, ayaa ugu horreyn Alle uga bareyey dadkaasi bukaanka ah in uu ka dulqaado xanuunka isla mar ahaantaana uu ugu bedalo caafimaad sareecan ah.

https://www.youtube.com/watch?v=4COL6mUunmQ

COMMENTS
Latest News