dhaymoolenews.com
Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya oo ka Hadlay Dambiyo Loo Haysto Qalbi-dhagax
September 5, 2017 - Written by wariye999

Jigjiga(Dhaymoole)- Madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya,  Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa markii u horreysay ka hadlay xaaladda C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka tirsan jabhadda ONLF  oo dhowaan dawladda Muqdisho  u dhiibtay Itoobiya.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, oo u waramay  Telefishinka Soomalida  Itoobiya ee ESTV, ayaa  ka hadlay C/kariin Qalbi Dhagax,waxaanu  sheegay inuu yahay nin u dhashay degaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana uu dambi ka galay ummaddiisii.

“C/kariin Qalbi Dhagax waxa is weydiin mudan waayo, waa nin degaanka Soomaalida Itoobiya u dhashay oo dambi ka galay, arrintiisa dastuurka dalka ayay u taalaa. C/kariin wuxuu ka mid noqday booliskii u horreeyay ee degaanka, dhibaato ayuu geystay, kufsi, dil iyo dhac, duurka ayuu galay, wuxuu ka soo jeedaa degmada Wardheer, arrintiisa iyo xaaladiisa dastuurka dalka iyo hey’adaha nabadgelyada iyo mas’uuliyiinta sare ee dawladda Itoobiya ayay u taalaa, tallaabooyinka laga qaadanayo,”ayuu yidhi Madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Cabdi Maxamed Cumar waxa uu naqdiyay dadka Soomaalida ah ee ka mudaharaaday dhiibista sarkaalkan Itoobiya loo dhiibay, waxaannu yidhi; “Ninka ka hadlaya C/kariin dagaalkii 1977-kii  ayuu ku dhaawacmay, muu ka hadlo dadkiisa ee maalin kasta dhaawacmaya, gaar ahaan ciidanka qaranka, kuwa ay Shabaab maalin kasta laayaan oo qaraxa la daba taagan, kuwa leh  nin baa la dhiibay ee mudaahadaradaya C/kariin waa hal shaqsi, wuu ka nasiib fiican yahay kuwii hore, si nabadgelyo ayuu  halkan ku joogaa dastuur iyo sharci ayuu sugayaa, dastuurkaas ayaa wuxuu siiyo uu  leeyahay, ee maxaa loo waayay dad Al-Shabaab dadkii ay leysay ka mudaaharaadaya.”

 

COMMENTS
Latest News