dhaymoolenews.com
Wasiirka Madaxtooyada JSL Oo Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdiwaraabe) Gurigiisa Ugu Tegay Kana Tacsiyadeeyey Geerida Xaaskiisa
July 16, 2017 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole)Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayeen xubno ka mida Golaha Wasiiradda Xukuumada ayaa Tacsi ugu tegay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdiwaraabe) oo ku sugnaa guriga uu ka degan yahay Caasimada Hargeysa,

isagoo wasiirku ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Xaaskiisi weynayd Alle ha u naxariistee Marxuuma Xaaji Faadumo Cismaan Guuleed oo ku geeriyootay shalay oo ay taariikhdu tahay 14/07/2017 magaalada Hargeysa.

COMMENTS
Latest News