dhaymoolenews.com
Hargeysa: Askari Ka Tirsan Booliska Oo Toogasho Ku Dilay Laba Wiil Oo Dhalinyaro Ah
July 16, 2017 - Written by wariye999

(Dhaymoole) Askari ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland ayaa magaalada Hargeysa dil toogasho ah ku dilay laba wiil oo dhalinyaro ah oo kamid ah dhalinyarada caasimada Hargeysa.

Maydkan labadan wiil ayaa hadda lasoo gaadhsiiyey cusbitaalka magaalada Hargeysa, iyaga oo la dhigay qolka Maydka ee cusbitaalka.

Ilaa hadda ma cadda sababta uu askarigan u dilay labadan wiil ee dhalinyarada ah, balse xogo kasoo baxaya dilkan ayaa waxay sheegayaan in labadan wiil ee dhalinyarada ah ay qorigii askarigu sitay ku qabsadeen sidaasna uu ku dilay askarigu labadan wiil.

Gabagabadiina cusbitaalka magaalada Hargeysa ayaa hadda lagu buuqsan yahay,waxaana soo buux dhaafiyey dad tiro badan.

 

Dhaymoole news.

COMMENTS
Latest News