dhaymoolenews.com
Dadweyne Mudaharaad Cabasho Ah La Hor-tagay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex (SAWIRRO)
July 16, 2017 - Written by wariye999

(Dhaymoole) Dadwaynaha dagan xaafadda cusub ee danyartu degto ee loo yaqaano (Istanbuul) ee u dhow buuraha Naasa-hablood ee magaaladda hargaysa ayaa hadda mudaharaad ka hor bilaabay Xafiiska Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex,  waxaana dadkani ka cabanayaa sidda hawl wadeeno ka tirsan Hangoolnews oo goobta joogaa noogu  soo waramayaan Nin xaafaddaasi Guddoomiye ka ahaa  kaas oo Xukumaddu xidhay in aan la soo dayn oo xaafaddaasi uu dhib badan ku hayay dadka dan yarta ah ee uu masuulka u ahaa siddaas darteena uu mudaharaadkoodani uu daaran yahay in xukumaddu ninkaasi ku hayso xabsiga oo uu ku jiro muddo maalmo ah,

Kacdoonkan danyarta ayaa bilaabmay ka dib markii ay maqleen warar sheegaya in la siidaynayo ninkaasi ay ka cabanayaan danyarta mudaharaadka horsamaynaysa xafiiska badhasaabka gobolka maroodi-jeex

 

Halkana ka daawo faah-faahinta Warkan.

 

Dhaymoole news.

 

 

COMMENTS
Latest News