dhaymoolenews.com
Qarax Khasaare Dhaliyay oo ka Dhacay Duleedka Muqdisho
July 13, 2017 - Written by wariye999

Muqdisho(W,Wararka/Dhaymoole)- Qarax xooggan ayaa shalay gelinkii dambe  ka dhacay Koontarool ciidan oo ku yaalla duleedka Muqdisho, gaar ahaan halka lagu magacaabo Siinka Dheer.

Waxa la sheegay  gaadhi kuwa xamuulka ahaa oo ciidammada ammaanka ay  ku joojiyeen koontaroolku  uu qarxay.

Gaadhiga qarxay ayaa ahaa nooca xamuulka, waxaana saarnayd  dhuxul, kaasoo muddo uu yaalay nawaaxiga koontaroolka oo ciidammadu ay baadhayeen.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegaya in qaraxan in illaa 3 ruux ay ku dhinteen, halka toddobo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dad rayid ah oo marayay waddada.

Ciidammada Ammaanka ayaa gacanta ku haya raggii watay gaadhiga xamuulka oo doonayay in la soo geliyo magaalada Muqdisho.

Koontaroolka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho ayaa si aad ah loogu baadhaa gaadiidka ka yimaada degmada Afgooye iyo deegaannada kale ee Shabeellaha Hoose.

 

 

COMMENTS
Latest News