dhaymoolenews.com
Xildhibaan Jiciir oo Caddeeyey in Buuhoodle ay ka Socoto Kaadh Bixinta Codbixiyeyaashu
July 10, 2017 - Written by wariye999

Burco (Dhaymoole)- Xildhibaan Cisman Faarax Warsame Jiciir oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmada Buuhoodle, ayaa faahfaahiyay qaabka ay deegaankaasi uga socoto hawsha qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliand, waxaanu sheegay in hawshaasi ay si habsami ah uga socoto dhamaan goobihii hore la isaga diwaan geliyay.

Mudane Jiciir waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka Telefoonka ku siiyay wargeysa Dhaymoole isaga oo ku sugan gobolka Buuhoodle, waxaanu tilmaamay in hawshaasi ay maalintii labaad si nabad-gelyo ah uga socoto deegaanka Buuhoodle, isla markaana ay dadweynihii hore isu diwaangeliyay ay safaf ugu jiraan sidii ay u qaadan lahaayeen khaadhka.

Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan caddeynayaa in ay dhamaan goobihii diiwaangelintu ka dhacday ay si nabadgelyo ah uga soconayso qaadashada kaadh bixintu oo goob kasta oo aad tagto aad arkayso sida loogu jiro safafka qaadashada kaadh bixinta, sidoo kale waxaan gobolkaas iyo degmooyinkiisa wax door ah ku lahayn xisbiyada iyo wafdiyadooda, iyadoo ay jirto in dadka marka la kala badho ay badhkood aanay ku sugnayn goobohoodii, haddana waxaanu isku hawlay anaga oo kaashanayna shacabkayaga si kasta aanu isu dabarno inaanu naga maqnaan qof ka tirsan deegaankayaga, halka uu joogana aanu ugu tagno, kana soo qaadno si uu u qaato kaadhka codaynta, isla markaana aanu u khasaarin, waana wax Illaahay loogu mahadnaqo”

Mudane Jiciir waxa kale oo uu sheegay hawsha bixinta kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinku ay si rasmi ah uga socoto labada degmo ee Widhwidh iyo Qorilugud, waxaanu yidhi “waxa jira deegaan ka tirsan gobolka Buuhoodle oo uu gobolka Sool dhigtay sanaaduuq xiligii hore ee diiwaangelinta, sida deegaankak Farjano, Balihadhac, Geed Dheer iyo kuwo kale, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan gobolka Buuhoodle, ka dib maanta oo ay dadkii kaadhbixintii u diyaarsan yihiin ay waayeen kaadhadhkoodii, arrintaa waxaan ka codsanayaa Komiishanka iyo cid kasta oo ay khusayso kaadh qaadashada codaynta in ay dib u eegaan oo ka fiirsadaan masiirka dadkaas xuquuqdooda cod, mana aha mid la dhayalsan karo ama isku tuur tuur geli karta, kuwaas aan magacaabay iyo kuwii kale ee cabasho la mid ah qababa oo aan ka xusi karo Carroweyn oo dhinacyada wacyigelinta iyo duruufo danta la leeyahay ee taallaa ka weyn tahay.”

 

COMMENTS
Latest News