dhaymoolenews.com
Suldaanka Xasan oo ka Hadlay Ahmiyadda Kaadhka Codbixiyeyaasha
July 10, 2017 - Written by wariye999

Hargeysa (Dhaymoole):  Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan,   oo  ka mid ah  sulaadiinta  Somaliland ayaa bulshadda ku dhiiri geliyay   mudnaanta kaadhka codbixiyuhu u leeyahay.

Waxaanu    tilmaamay in qaadashada kaadhka codbixintu  tahay guul qarankan u soo hoyotay oo uu gaadhay, mudadda ay jirtay Somaliland.  Isagoo  ugu baaqay inay ilaashadaan nabad-galiyada ay ku caano maaleen.

 

Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, oo shalay waramay warbaahinta dawladda  waxa uu yidhi “Qaadashada kaadhka codbixinta ee ka bilaabantay caasimada iyo caasimad ku xigeenka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanan shacabka reer Somaliland ee labada gobol ku dhaqan ugu baaqaya intii is diwaangalisay ee marka horeba nasiibka u yeelatay diwaangalintii inay maantana qaataan kaadhka codbixinta.”

Suldaan Xasan waxaa uu xusay in qaadashada kaadhaka codbixintu ay tahay guul qarankani u soo hoyatay. “Waa guul u soo hoyotay Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay ka mid tahay guulihii marka horeba guuluhu inagu guuleeyay ayay ka mid tahay.

Somaliland,  waxaa ay soo martay maraaxil kala duwan hanaanka Dimuquraadiyadeed ayay ka mid tahay talaabadan aynu ku jiraa, kana mida guulaha waa weyn ee la taaban karo ee qarankan iyo shacabigiisu gaadhaan ee la taaban karo gudo iyo dibadba.

Inta  aan maanta is-diiwaangelin ee xagaa joogta waxaan ugu baaqaya inay duco la barbar taagnaadaan, shacabkii isdiwaangaliyayna  ama miyi ha joogo amase magaalo ha joogo waa fursad weyn oo aynu ugu hiilineyno jiritaankeena, qaranimadeena, dawladnimadeena kana mida fursadaha marka horeba eebe inagu galaday waxaan leeyahay qaata kaadhkiina una hiiliya jiritaanka qaranimadiina”ayuu yidhi suldaanku.

 

Suldaanku sidoo kale waxaa uu shacabka u soo jeediyay inay adkeeyaan ilaalinta abniga wadanka waxaanu yidhi “Illaaha saatirka ahi waxaa uu inagu gadaamay nabad-galiyo nabad-galiyadaasi dadaal ayay ku timid, inagoo dad iyo dal iyo shacab iyo oday , dhalinyaro, ciidan iyo dawlad inaga oo iskaashaneyna ayay inoo suuragashay sugitaanka nabad-galiyadu markaa nabad-galiyada aad haloo ilaaliyo haday qof tahay, haday qabiil tahay, haday qaran tahay, haddii ay qabiil tahay haday deegaan tahay, cidkasta waxaa nabad-galiyada ka saaran waajib.”

 

Dhinaca  kale Suldaanku waxaa uu fariin adag hawada u mariyay dawlada taagta daran ee Soomaaliya gurigeeddana lagu ilaaliyo, waxaanu xusay in Somaliland ay mideysan tahay ee Soomaaliya midow looga baahan yahay.waxaanu  yidhi “Dawlada yab-yabka ah ee Soomaaliya hadalka ay warbaahinta inoo soo marisay waa mid riyo ah Soomaaliya ha midowdo, waxan leeyahay Soomaaliya ha midowdo Somaliland waa ay midaysan tahaye, madaxweynaha dawlada aynu jaarka nahay ee aan sanadkaba jirin waxaynu leenahay Soomaaliya hadii aad mideyneyso adiga ayay kuu taala.

Soomaaliya,  waa dal aanu jaar nahay, Somaliland-na madax banaanideedi ay marka horeba la timid waati la soo noqotay maantana meel laga soo qaban karo iyo meel lagaaga riyooda waa ay dhaaftay, waayo maanta ciidamadayadii kala duwana ee qaranka ee qalabka siday maxkamadahayagii, wasaaradahayagii intii dawladaha caalamku lahaayeen oo dhan Somaliland waa ay gaadhay oo waa ay dhaaftay waanay qaangaadhay oo rubuc qarni ayay jiraan tacab badan ayaa ku baxay markaa waxyar oo si fudud loo odhan karo laguma dumin karo.”

 

COMMENTS
Latest News