dhaymoolenews.com
“Gudoomiyaha Garabka Haweenku Waxa Uu Halkan Ka Sheegay In Masuul Ciidanka Bileyska Ahi Uu Ka Qaaday Waraaqdii Komishanku Siiyey Ee Kormeerka Ahayd, Xaq Umuu Lahayn..” Musharax Cabdiraxmaan Ciro
July 10, 2017 - Written by wariye999

Quluubta Shacbiga Togdheer/Saaxil Oo Isugu Biyo-Shubtay WADDANI, Tageerayaal Baaxad Leh Oo Ku Biiray Iyo Xukuumada Oo Miciin Mooday Xadhiga Masuuliyiinta Xisbigaasi

“Waxaanu U Sheegaynaa Dhamaan Xukuumada In Xisbiga Waddani Uu Furay Diiwaan Lagu Qoro Dhamaan Dadka Tacadiyada Geystay” Musharax Cabdiraxmaan Ciro

“Gudoomiyaha Garabka Haweenku Waxa Uu Halkan Ka Sheegay In Masuul Ciidanka Bileyska Ahi Uu Ka Qaaday Waraaqdii Komishanku Siiyey Ee Kormeerka Ahayd, Xaq Umuu Lahayn..” Musharax Cabdiraxmaan Ciro

“Waxa Layaab Leh In Masuul Ka Tirsan Xukuumada Oo Wasiir Ahi Uu Yidhaahdo Hudheelada Asxaabtu Ma Wada-Gali Karaan, Xaguu Ka Keenay Sharcigaas” Musharax Cabdiraxmaan Ciro

 

Burco, July 10, 2017 () –  Xisbiga isbadal doonka ah ee Waddani ayaa munaasibad balaadhan ku soo dhaweeyey taageerayaal baaxad leh oo ka soo diga-rogtay xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Taageerayaashan ku soo biiray xisbiga Waddani ayaa ka soo jeeda deegaanada Kal-bare, Gidheys, Boodhley, Hayeyti, Bahallaley iyo tuulo dhibiijo oo ka kala tirsan deegaanada gobalka Togdheer iyo Saaxil.

Munaasibadii soo dhaweynta ahayd ee xisbiga Waddani u sameeyey ayaa waxa kala soo qaybgalay Masuuliyiinta sarsare ee xisbiga Waddani oo uu horkacayo Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), kaas oo khudbad xasaasiya oo uu u jeediyey taageerayaashaasi ku soo biiray iyo guud ahaan shacabka Somaliland, ayuu gudoomiyuhu ku cambaareeyey xadhig iyo tacadiyo maalmihii u dambeeyey lagula kacay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani.

Waxaanu Musharax Cabdiraxmaan Ciro uu sheegay in xisbiga Waddani uu furayo diiwaan lagu qoro dhamaan dadka tacadiyada geystay, waxaanu uga digay inay tacadiyo ku sameeyaan muwaadiniinta reer Somaliland, waxaanu Musharax Cabdiraxmaan Ciro uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Guud ahana odayaasha, dhalinyarada iyo haweenka hawshan ka soo shaqeeyey ee munaasibadan quruxda badan inoo suurtagaliyey iyo dhamaan beesha shirkan quruxda badan inoogu qabtay oo ay ku taageerayaan Xisbiga Waddani waxaanu leenahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin.

Fariintayda Koowaad waxa weeyi dhamaan muwaadiniinta gobolka Togdheer iyo Gobolka Maroodi Jeex in kaadhadhka aynu si wanaagsan u qaadano oo muwaadin kastaa uu qaato kaadhkiisa si uu xaq ugu helo inuu codeeyo oo isbadalka uu ka qayb qaato, hadaanad kaadhka qaadan isbadalka ka qayb qaadan kari maysid.

Waxa aan si adag u cambaaraynayaa xadhigii la xidhay habeen hore iyo shalayba masuuliyiin farabadan oo ka tirsan xisbiga Waddani oo dambi looga dhigay waxaad ka mid noqoteen xisbiga Waddani waxaanu leenahay xoriyadooda ha loo soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan.

Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan masuuliyiinta Xukuumada gaar ahaan shaqaalaha dawlada inay xaaraan tahay inay ka qaybgalaan ololayaasha doorashooyinka, waa dambi, xukuumadana waxa ku waajib ah inay talaabo sharci ah laga qaado qofkii ka qayb qaata.

Waxaanu u sheegaynaa dhamaan xukuumada iyo masuuliyiinta in xisbiga Waddani uu furay diiwaan lagu qoro dhamaan dadka tacadiyada geystay, waa loo qorayaa, way u qoraanaysaa, waxaanu uga digaynaa inay tacadiyo ku sameeyaan muwaadiniinta reer Somaliland.

Gudoomiyaha Garabka Haweenku waxa uu halkan ka sheegay in masuul sare oo ciidanka Bileyska ahi uu ka qaaday waraaqdii Komishanku siiyey ee kormeerka ahayd, xaq umuu lahayn, masuulkaasna waxaanu uga digaynaa in falalka caynkaas ah aanu ku kicin mar dambe, sharcigana aanu ku xad-gudbin.

Waxa layaab leh in Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeeno ay ku riyoodaan oo ay ku soo toosaan waxa aqligooda ku jira una sheegaan shacbiga inay sharci tahay, sharciga xukuumada ayaa soo jeedisa haday doonto, Baarlamaanka ayaana sharciyeeya ama Baarlamaanka ayaa curiya oo sharciyeeya, Wasiir intuu Makarafoon iska qaato ma odhan karo waxaasaa sharci ah ama waxaasaa sharci daro ah.

Waxa layaab leh in masuul ka tirsan xukuumada oo wasiir ahi uu yidhaahdo hudheelada asxaabtu ma wada-gali karaan, xaguu ka keenay sharcigaas, hudheeladu waa goobo ganacsi, waa la wada-galayaa, waa meherad ganacsi waxbaa laga wada-iibsanayaa, adeegbaa laga iibsanayaa, hurdada ayaa laga iibsanayaa, raashinkaa laga iibsanayaa, taasi waa sharci daro waxay sharci daro ku tahay muwaadinkan hudheelka leh ayay xad-gudub ku tahay, waxa uu u furtay meesha waa ganacsi, dad is-dilayaa ma jirto, asxaab is-dilaysaa ma jirto, arintaasi waa sharci daro uu ku dhawaaqay wasiirku.

Waxaanu xukuumada uga digaynaa in ummadda lagu jahawareeriyo waxaan sharci ahayn, ummaddu waxay u baahan tahay inay midawdo, in la kala qoqobo oo gidaaro loo sameeyo uma baahna, aniga iyo Muuse iyo Faysal hudheel ayaanu wada-galaynaa oo gacmahaanu is-qabsanaynaa, waanu tartamaynaa oo col ma nihin, ma colbaynu nahay Kulmiye, UCID ma colbaynu nahay, maxaa loo leeyahay hudheel ma wada-gali kartaan, horena Somaliland ugamay dhicin dibna uga dhici mayso, suurtagalna maaha.

 Walaalayaal waxaynu u baahanahay inaynu u diyaargarowno doorashada, sideebaynu ugu diyaargaroobaynaa, marka hore kaadhadhka ayaynu qaadanaynaa, marka labaadna codkeena waxa aynu ku hubsanaynaa inaynu isbadalka ku taageerno, isbadalka Somaliland maanta waxa wada oo isbadal khayr qaba wada oo mid caafimaad qaba wada xisbiga Waddani, saw sidaa kuma taageersanidin?

Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, dhamaan dhalinyarada, odayaasha iyo haweenka xafladan iyo munaasibadan qiimaha badan inoo soo qaban qaabiyey, waxaynu doonaynaa in aynu sharciga ilaalino inagu oo anshaxa ilaalino oo aynu hormuud u noqono dhamaan asxaabta Somaliland, laakiin waynu tartamaynaa oo si adag ayaynu u tartamaynaa.”

https://www.youtube.com/watch?v=9XyS6ayz9uw

COMMENTS
Latest News