dhaymoolenews.com
Alla Kala Fogaa! Gabiley Wixii Aan Kala Kulmay 3 Saddex Sano ka Hor Iyo Maanta.
July 9, 2017 - Written by wariye999

Saddex Sano Ka Hor Oo sidan oo kale aan Safar Ku Tagay Gobolka Gabiley iyo sanadkan 2017 oo Aan Muddo Bilo Ah Ku Sugnaa Maxaa Iska Bedelay Gobolka iyo Shacabka Ku Nool.?

Waa Faallo kooban oo Aan Doonayo Inaan Bulshada La Wadaago Bal Waxa aan la Kulmay Labadaa wakhti ee Kala Duwan. Ka Fog Muuqaalka Aan Soo Gudbinayaa Malle awaal iyo aragti been ah.

Ka Sakow Xaalada Gobolka Gabiley iyo Duruufaha Uu La Wadaago Dalka Intiisa Kale Haddana waxa jira Talaabooyin Yididiilo iyo Farxad Rajo Ku Abuuray Shacabka Ku Dhaqan Gobolka Ama kasoo jeeda ee Ku Kala Sugan Dalka Dibadiisa iyo gudihiisaba Intii Og Ama alle Tusay.

Muddo Laga Joogo Saddex Sano iyo laba bilood Waxaan Safar Ku Tagay Anigoo Ka Baqoolay ingiriiska oo aan imika Ku Suganahay  Dalka Somaliland  Waxaanse Wakhti Badan Ku Qaatay Intii Aan Joogay Magaalada gabiley.

Dhaqamo Farabadan Iyo Caadooyin Xun xun oo Magaalada Hore uga Jiray Wakhtigaa Hore ee aan tagay iyo imika oo aan safar kooban ku tagay waxay ahaayeen laba kala fog.

Waxaan Laba u Kala Qaadayaa Waxa isbedel Ah ee Ku Yimid Bulshada Degmada gabiley iyo Waxa Isna Isbedel Ah ee Ku yimid Nidaamka Shaqo iyo maamul ee Dawlada Hoose ee magaalada gabiley oo Ah Xudunta Laga Hago gobolka.

Haddii aan Ku horeeyo dhawr qodob oo aan ku arkay in wax badan laga qabtay iskana bedeleen waxbadani dhinaca bulshada gobolka gabiley siiba dhalinyarta iyo inta fadhi ku dirirka ah.

Gabiley ninkii Yaqaana Waa magaalo oo kooban oo Kulmisay Beelo Walaalo Ah oo Wadda Dega, Xiligaasi hore ee aan ku sugnaa gabiley waxaan kula kulmay goobaha laga shaaheeyo iyo meheradaha lagu barjeeyo ama lagu qayilo, dhalinyar iyo rag jiilka wakhtigan ah oo u kala fadhiya beelo iyo reero gaara, waxaana taasi sababtay in nacayb lagu kala dhex rido dhalinyartii iyadoo la odhanayo aduu reer hebel baad tahay oo reer hebelbaa haysta jaaniskaagi shaqo, ficilada noocaas ahina waxay kala irdheeyeen shacabkii, waxaana ay magaaladu inyar u jirsatay in dabka ay kala qaadan waayaan meherado jaar ahi.

Waa Ta Labaade Dhalinyarada Gobolku may ahayn kuwo u siman fursadaha shaqo ee wakhtigaasi hore soo baxa kuwo u siman ama ku tartama si cadaalada loo helo aqoontuna shaqayso.

Maxaa Iska Bedelay Dawlada Hoose Gabiley iyo xildhibaanada golaha deegaanka.

Dawlada Hoose Gabiley Waxaa Ugu yaraan ka Hawal gala shaqaale ku siman ilaa 1200 oo qof  wakhtigaasi laga joogo sadexda sano ee aan ku sugnaa hadal haynta ugu badan ee magaalada lays waydiin jiray waxay ahayd mushaharka shaqaalahaasi oo aan laba bilood oo isku xigta si toosa u wadda heli jirin halka ay dhacdayba in sadex sadex bilood laga aamuso taas oo iyaduna qayb ka ahayd isku muuqashada dhaliyarta iyo shacabka degmada.

Waxaa Jiray Xildhibaanada golaha deegaanka Khilaafaad Iyo Buuq Maalin walba joogto ahaa oo ragaadiyey Mashaariico iyo Qorsheyaal Horumarineed Oo kal hirgali lahaa haddii laysku mawquf yahay oo inta badan laga dheehan jiray warbaahinta xildhibaano eedayna gudoomiyaha ama qaar u jawaabaya.

Waxaa Khalkhal Faro Badani ku jiray Nidaamka Shaqo ee ay Ku Shaqayn jirtay Dawlada Hoose Taas Oo inta Badan sababi jirtay hoos u Dhaca Dakhliga iyo Lunsiga Cashuurta laga qaado shacabka.

Haddaba Maxaa iska Bedelay Ee aan Kusoo Arkay Wakhtigan Gabiley 2017ka

Waxaan La Kulmay Oo aan  Dareemay Isdhexgal bulsho iyo isku Soo Dhawaansho  dhinacii dhalinyarta iyo waayeelkaba ah ma jiro hirdan dhinaca qabyaalada iyo reernimada ah oo wakhtigan ka jira goobaha badiba lagu kulmo. Waxaa jirta rajo iyo iftiin mustaqbal oo dhalinyarta laga dheehan karo.

Waxaa badiba laga hirgaliyey Xarumaha wasaaradaha dalka Ka Shaqeeya oo aan hore uga jirijirin inay laamo ku yeeshaan kuwaaso daboolay baahiyo badan oo dhinaca shaqo la’aanta ah oo saameyn balaadhan ku lahayd.

Waxaa Koboc Badani Ku  yimid garaadka dhinaca siyaada ee bulshada gabiley gaar ahaa dhalinta.gabileyok.jpg

Waxaa Jira Fursado Ganacsi Oo Qaar Badan Laga yagleelay magaalada markii la helay Dayactir iyo dhismaha wadooyin cusub oo fududeeyey isku socodka Magaalada.

Dhinaca Marka aan u imaado Bal Waxyaabaha Iska bedelay xarunta Dawlada hoose muddo Saddex sano ah oo aan ka maqnaa maxay yihiiin?

Ugu horeyn Waxaan Arkay Dhismayaal iyo casriyeyn Balaadhan oo lagu sameeyey Xarunta golaha Deegaanka oo Laga Hirgaliyey fooq laba dabaq ah oo ay fadhiistaan Maayirka iyo ku xigeenkiisu.

Waxaan Raadiyey Arrinta Dhibaatada badani ka Taagnaan jirtay oo ahayd Mushahar la’aanta Shaqaalaha tirada Badan ee ka hawalgala Xarunta.

Waxaan xaqiijiyey In haba yaraatee Mudado ku Siman laba sano iyo badh inaaney shaqaaluhu waayin hal bil oo mushaharkooda ah Waxaana ay ii Sheegeen Shaqaalaha Dawlada hoose in Wax badani iska Bedeleen Nidaamkii Ay markii hore U Shaqayn jireen Iyo Sida Ay Wakhtigan u Shaqeeyaan, Waxaa Jira Arrimo ku farxad galinaya marka aad aragto ama maqasho, waxaa jira Sanduuq Shaqaalaha dawlada hoose waxoogaa Ay iska jaraan Mushaharkooda oo lagu ururiyo Kaas Oo loogu magac daray Sanduuqa Daryeelka Shaqaalaha Waxaa jirta Gudi Ka kooban Shaqaalaha Oo maamusha lacagtaasi, waxa Ku Ilaaliyaan in Qofkii Shaqaale Ah ee Ay ku timaado Dhibaato culusi lagu caawiyo, sida geerida, arooska, arrimaha la xidhiidha shaqaalah ee lasoo darsa, taaso oo meesha ka saaraysa in marka qof kamida shaqaalaha dhibaato ku timaado aan loo raadin maamulkii dawlada hoose oo loo helo dhaqaale degdega oo lagu daboolo baahida taagan.

Waxaa iyana Laga bogsaday oo Shacabka gabiley iyo bulshada inta kaleba ka raysteen khilaafaadkii Faraha badnaa Ee Xildhibaanada iyo gudoomiyehooda oo Qayb Weyn ka ahaa dib u dhaca Arrimaha horumarineed ee gobolka.

Waxba yaanan sii badine libinta iyo guusha Bulsho gaadho marba waxaa Ilahay usoo dhexmariyaa hadba Cida uu hogaan uga dhigo.

Waxaan marnaba La hilmaami Karin Ama aan la Xaqirikarin In Dhibaatooyiinkaasi Faraha Badan ee Aan Soo Sheegay Dawo uu u noqday Maayirka Wakhtigan Jooga Degmada gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi. Waxaa uu Mideeyey Dhalinyartii Kooxaha Ama Reeraha u kala Fadhiday, Waxaa uu Yagleelay Qorshe iyo Nidaamo Shaqo oo Ilaaliya dhaqaalaha Kasoo baxa Bulshada Gobolka  Sidii dib loogu celin lahaa haddii ay tahay dhisme iyo arimaha bulshadaba.

Sidoo Kale Waxaa uu hirgaliyey Qorshe Ka Duwan Kii Hore Ee Cashuurta Bulshada Laga Qaado loo Maamuli jiray iyadoo Markii Hore masuuliyiinta meesha joogaa sitoosa ula macaamili jireen cashuur bixiyaha halka manta lacag soo martay qasnada mooyaane aaney jirin mid dibeda u baxdaa, ama si dhib yar loo lunsan karaa.

Waxa uu Suuliyey Khilaafaadkii Shaqada iyo Xildhibaanada ee Faraha Badnaa

Waana Sidaa Sababta Aan hordhaca idiin idhi Alla Kala Fogaa Labadaa Wakhti ee aan Kusoo qaatay Wakhtiga Gobolkaygii gabiley.

Waxa ay taariikhdu Xusidoontaa Waxa Ay bulshadu ka Dhaxashay Ama uu Kusoo kordhiyey Intii uu joogay golaha deegaanka,……La soco Qormooyin Danbe.

W/Q:-C.qani ismail Nuur

Email-abdiqanismail@gmail.com

   London

COMMENTS
Latest News