dhaymoolenews.com
DUULIYIHII DIYAARADA OO NOQDAY REER SOMALILAND
July 4, 2017 - Written by wariye999

DUULIYIHII DIYAARADA OO  NOQDAY REER SOMALILAND

Waxaa guul weyn iyo sharafba ugu filan reer Somaliland in duuliye sare Raashid Saalax Caateeye oo ah duuliyaha koowaad ee Diyaarada Air Arabia ee xiligan duulimaadyadeeda ka bilowday madaarka caasimada Hargeysa uu dhalasho ahaan ka soo jeedo  degmada Xiis ee gobolka Sanaag.

Raashid ayaa ku dhashay, kuna soo barbaaray wadamada khaliijka carabta, gaar ahaan dalka baxrayn. Shirkada duulimaadyada ee Air Arabia ayaa duulimaadyadeeda si toosa uga bilowday Somaliland iyadoo munaasibad loogu wanqalayay bilowga duulimaadyada shirkadana maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa balse goor danbe uun la ogaaday in duuliyaha diyaaradaasi kazoo jeedo Somaliland gaar ahaan gobolka sanaag

 

COMMENTS
Latest News