dhaymoolenews.com
Wasaaradda Ciyaaraha oo Jawaabtay Hadallo ka soo Yeedhay WADDANI
July 3, 2017 - Written by wariye999

Hargeysa (Dhaymoole)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si kulul uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, wuxuuna sheegay in Wasaaraddu guulo wax ku ool ah ka gaadhay dhismaha garoomo casriya oo laga hirgeliyay gabi ahaanba goboladda dalka iyo sidoo kale tartamaddii bisha Ramadaan oo guud ahaanba ka qabsoomay goboladda Somaliland.

Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ayaa ka hadlay dambina ku tilmaamay in xubno ka tirsan Xisbiga WADDANI ay yidhaahdaan waxaanu dhagax dhignay qeyb ka mid ah deyrka garoonka kubadda cagta magaalada Burco, maadaama wasaarad ahaan ay iyagu masuul ka yihiin sidoo kalena wax xidhiidh ah aanay cidi la soo sameyn, waxaana uu yidhi “Xisbiga WADDANI masuuliyiin ka tirsani xaq uma laha inay tagaan oo ay dhagax dhigaan garoonka kubadda cagta magaaladda Burco ee Alamzey Stadium, waa dambi ayaan qabaa maadaama xukuumadda loo igmaday oo ay iyadu gacanta ku hayso. Xisbigu wuu soo jeedin karaa oo wuu odhaan karaa wax ha loo qabto, oo way ka hadli karaan laakiin garoon baan dhagax dhignay mandaqa ma gali karto iyagana uma fiicna runtii. Xisbiga WADDANI waa xisbi raba inuu xukunka dalka gacanka ku qabto, waxay u ordayaan inay dadku doortaan, waxay is leeyihiin ummadda indho sarxaad u dhigga, waxaanay caadeysteen imika intii ugu dambeysay waxaan sal iyo raad toona lahayn inay ummadda u sheegaan”.

Sidoo kale, Agaasime Dhabeeye waxa uu si kulul uga hadlay hadalo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo been abuur cadaan ah oo Xisbiga WADDANI uu ku sheegto tartamo kubadda cagta iyo kubadda koleyga ah oo Xisbiga KULMIYE ku kala qabtay garoomadda Timacadde iyo Masalaha “Garoonka kubadda koleyga ee Timacadde ayaa bishii Ramadaan tartan lagu qabtay oo ay Wasaaradda iyo Xidhiidhka Kubadda Koleygu ay gacanta ku hayeen Xisbiga KULMIYE-na uu gacan ka geystay, oo Guddoomiyaha Xisbigu uu yimid oo uu u furay oo qalabkii iyo direyskii tartanka kooxihii ku wareejiyay. Waxaa wax lala yaabo ah habeenkii kulankii dhamaadka tartanka ayaa xubno ka tirsan Xisbiga WADDANI intay yimaadeen ayaa kooxdii koobka qaaday intay isla sawireen ay yidhaahdeen anagaa koobka maal-gelinay, intaas kuma ay joogin ee garoonka gaarka loo leeyahay ee ku yaala Masalaha ayaa inta ay dhalinyaradii Xukuumadda iyo KULMIYE ka dalbadeen in loo yimaado oo qalab la siiyo, waana tii la wada oggaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE isaga oo kubadda ciyaaraya in sawiradiisa baraha bulshadda ka wada muuqdeen, direyskii, qalabkii iyo abaal-marintiina siiyey. Koobkii markii uu dhamaaday ee uu xidhitaankii ka qeyb-galay Madaxweyne Ku-xigeenku ayaa intay meeshii tageen caruur kale soo kaxeeyeen oo garoonkii hor istaageen yidhaahdeen markii uu KULMIYE ku fashilmay ee uu qaban waayay ayaanu tartankan qabanay” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Ugu dambeyntii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa ugu dambeyntii Xisbiga WADDANI u soo jeediyay inay beenta cad iyo borobogaandada ka daayaan dhalinyarada haddii aanay waxba u qabanayn, kuna dedaalaan sidii ay siyaasad ula iman lahaayeen haddii ay dhab ka tahay inay taladda dalka si wanaagsan ugu tartamaan.

 

 

COMMENTS
Latest News